Malayiin Muslimiin Ah Oo Maanta Dul Taagan Buurta Carafo Si Ay U Gutaan Waajibaadka HAJJKA Ee 2012

Muslimiinta maanta joogta  hajjka  oo kor u dhaafaya illaa labo milyan oo ruux  oo kala yimid dhamaan aduunka oo dhan ayaa maanta dul taagan Buurta loo yaqaano Carafa ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, kuwaasoo ka kala yimid dalal aad u kala fog oo ku kala yaala caalamka Islaamka, iyagoo gudanaya rukniga ugu weyn ee waajibaadka Xajka sanadkan.

Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee asaaska u ah Islaamka ayaa sanad walba ka dhaca magaalooyinka barakeysan ee dalka Sacuudiga sida Maka Al Mukarama, Madiina Al Munawara iyo kuwo kale halkaasoo isugu taga malaayiin muslimiin ah oo kala yimaada caalamka islaamka, iyadoo Ma’suuliyiinta boqortooyada Sucuudi Carabiya ay sheegeen in sanadkan uu aad u yaraan dadka ku dhinta isbuurashada iyo dhibaatooyin kale oo dadku ay la kulmi jireen sanadihii hore ka dib markii la balaariyey dib u habeyna lagu sameeyey goobaha ugu badan uu dhibaatooyinka qaar ay ka dhici jireen.

Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanad walba waxay balaayiin dolar ku bixisaa sidii ay qaaabka ugu wanaagsan ugu gudan lahayeen Xajka dadka faraha badan ee gudanaya waajibaadka diiniga ah ee xajka, iyagoo u diyaariya gaadiid, meelo ay degaan iyo isbitaalo wareega oo la tacaalaya dadka xujeyda ah ee xanuunada deg deg ah ay ku dhacaan.

Kumanaan Ciidamo oo ammaanka ilaalinaya ayaa la dhigay goobaha waajibaadka xajka lagu gudanayo, iyadoo dowladda Sucuudiga ay walaac ka qabto inay rabashado la xiriira dagaalka Suuriya ay dhacaan inta lagu jiro gudasha Xajka ee sanadkan.

Xujeydii ugu badneyd ee Soomaali ah ayaa sanadkan ka qeyb galaya waajibaadka Xajka kuwaasoo kor u dhaafaya 15 kun oo ruux oo ka kala yimid gudaha dalka iyo wadamada caalamka, waxaana ka mid ah culumaaudiin iyo masuuliyin ka tirsan xukuumadii uu xiligeedu dhamaaday ee Somalia.

Maanta oo ku beegan maalinta Sagaalaad ee bisha Dul-Xaj, ayaa waxaa sooman inta badan dadka aan ka qaybgelin Xajka ee ku kala nool daafaha calamka, iyagoo Alle ka baryaya inuu u dhaafo dambiyadii ay horay u galeen, iyadoo Maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxa oo dunida Islaamka oo dhan si weyn looga dabaaldago, waxaana dunida Islaamka ka socda diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta ciiddal adxaa.

Advertisements

Sannadkan Oo Noqonaya Kii Ugu Khatarta Badnaa Ee Soo Mara Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Magacyada 16-ka wariye ee la dilay)

Muqdisho(SPN) Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa sannadkii ugu khatarta badnaa ee soo mara suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo la dilay tan billowgii sannadkan 16 wariye; kuwaasoo badankood lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Wariyihii ugu dambeeyay oo ahaa Axmed Saakin Faarax ayaa habeen hore kooxo hubeysani ku dileen degmada Laascaanood oo ay ka taliso Somaliland, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilkiisa geystay.

Ma jirto cid loo qabtay dilalka wariyeyaashan oo saddex ka mid ah lagu dilay qarax weyn oo ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka tiyaatarka Muqdisho, iyadoo ay dilalkan sii kordhiyeen cabsida ay qabaan suxufiiyiinta ka howgala gudaha dalka Soomaaliya.

“Dilka Axmed Saakin wuxuu ahaa mid argagax leh, wuxuuna qayb ka yahay olole looga soo horjeedo saxaafadda,” ayuu yiri Cabdullaahi Axmed Nuur oo ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray: “Waxaan waynay saaxiib weyn.”

Magacyada suxufiyiinta algu dilay sannadkan Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin:

  1. Xasan Cusmaan Cabdi (Fantaastik) oo Muqdisho lagu dilay 28-kii Janaayo
  2. Abuukar Xasan Maxamuud (Kadaf) oo Muqdisho lagu dilay 28-kii Feberaayo
  3. Cali Axmed Cabdi oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo, 04-tii Maarso
  4. Mahad Salaad Aadan oo lagu dilay magaalada Baladweyne, 05-tii Abriil
  5. Farxaan Jeemis Cabdulle oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo, 02-dii May
  6. Axmed Caddoow Canshuur oo Magaalada Muqdisho lagu dilay, 23-kii May
  7. Cabdi Jaynaani Malaaq (Marshaale), oo Muqdisho lagu dilay 31-kii July
  8. Yuusuf Cali Cismaan (Fareey) oo Muqdisho lagu dilay, 12-kii Ogoosto
  9. Maxamed Cali Buneyste oo Magaalad Muqdisho lagu dilay 12-kii Ogoosto
  10. Liibaan Cali Nuur oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, 20-kii September
  11. C/sataar Daahir oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, 20-kii September
  12. C/raxmaan Yaasiin oo lagu dliay Qarax Mudisho ka dhacay, 20-kii September
  13. Xasan Yuusuf Absuge oo lagu dilay magaalada Muqdisho, 21-kii September
  14. Cabdiraxamaan Maxamed Cali oo Muqdisho lagu dilay, 27-kii September
  15. Axmed Cabdullaahi Fanax oo Muqdisho lagu dilay 28-kii September
  16. Axmed Saakin Faarax oo lagu dilay magaalada Laascaanood, 23-ii Oktoobar

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tiriyaa dalalka ay adag tahay in suxufiyiintu ay ka shaqeeyaan, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay dilalka suxufiyiintan loogu geystay Muqdisho sannadkan oo keliya.

 

Saylicipress.net/Muqdisho.

 

Faallo:Nidaamyada Siyaasadeed ee Siyaasiyiinta Gadabuursi Kufashilmeen iyo Kuwo Aan Wali Latijaabin.?

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sida qaalibka,  nidaamyada siyaasadeed  ee qunyar socodka ee  ay ilaa hada tijaabiyeen  qoomiyada Gadabuursi ayaa ah kuwo faashila  ama guuldaro ka muuqato

Continue reading

Fu’aad Aadan Cade Oo Qiray In Xagla-Toosiye Ka Saamayn Badan Yahay Siyaasiyiintooda Waaweyn, Tilmaamayna In Aanay Fari Ka Qodnayn Saamigii Ay Xaqa U Lahaayeen

Hergeisa(SPN) La taliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee arimaha bariga Fu’aad Aadan Cadde ayaa sheegay in Wasiirka cusub ee dib u dajinta Saleebaan Xaglo-toosiye inuu ka saamayn batay dhamaan siyaasiyiintii waawaynaa ee uu ka midka yahay ee xilalka ka soo qabtay dalka, kaas oo tilmaamay inuu mansabkaas ku muteystay ka dib markii uu xukuumadda kula gorgortamay in la fuliyo shuruudo hore iyaga loogu diiday oo ay ka mid yihiin dib u soo qaadidii Ciidamada Qaranka iyo Maxaabiistii dagaalada lagu soo qabtey ee la sii daayey, isla markaana Halyey qaran ku sifeeyey Wasiir Xaglo-toosiye.

Fu’aad Aadan Cadde waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo khadka telefoonka ku siiyey xalay Wargeyska Haatuf isaga oo ku sugan Degmadda Xudun ee gobolka Sool, kaas oo uu kaga waramay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda deegaanada gobolka Sool iyo Buuhoodle, kaas oo sheegay inaanay wali dadka reer Somaliland iyo xukuumadihii u kala danbeeyey-toona aanay wali wadadii u wanaagsanayd Qaranimada dalka aanay marin.

La taliyaha Madaxwayne Siilaanyo ee deegaanadda Bariga Fu’aad Aadam Cadde waxa uu ka dhawaajiyey inaanay wali fari ka qodnayn saamigii ay xaqa u lahaayeen beesha gobolka Sool, kaas oo tilmaamay inaanay mihiim ahayn Wasiirnimadu, isla markaana tibaaxay in beeshiisu wali ku dulman tahay Saami qaybsiga beelaha Somaliland. Ugu horayna Fu’aad isaga oo arimahaas iyo kuwo kale oo badan ka hadlaya, kana warbixinaya xaalada deegaanadda uu ku sugan yahay hada, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Deegaankan xaalkoodu wuu iska wanaagsan yahay oo Raxmaadkii Roobkuna wuu u da’ay Alle Mahadi ha ka gaadhee, mida kale waa deegaamo aanay cid dadka dhexdhexaadisaana aanay joogin oo dadka ayuun baa iyagu meeshan woxooga kala gurgurta, markaa waxaan ku soo koobayaa ma jirto meeshan cid ku dhexjirta dadkan walaalaha ah ee Ilaahay halkan ku wada uumay haday dawlad ahaan lahayd iyo haday cid kale ahaan lahaydba. Mida kale deegaanka wax aan ahayn dad la kala dilay oo iyagana laga badalamay mooyaane wax kale oo dhibaato ah oo ka taagan ma jiraan oo dadku way wada yaalaan oo waa la isku dhexjiraa, isla markaana reerba reer ayuu la dagan yahay”. Fu’aad Aadan Cadde isaga oo hadalkooda sii watana, waxa uu yidhi “Horta meesha ugu daran ee la rabo in nabad laga dhaliyo waa Buuhoodle iyo Qori-lugad, Saleebaan Xaglo-toosiye-na waan soo dhawaynayaa xilkaa loo magacaabay, labadii maalmood ee uu marna Hargeysa ka soo noqday maalina Caynabo imanayey labadaas cishoba waxaan ka tagay Xudun oo waxa aan socday 200KM sidii aan maalintaas u soo dhaweeyey ayaan maantana u soo dhawaynayaa. Maalintaas waan hadlay oo waxaan idhi qof darajo lagu tolaa waxba ma sheegayso ee waxa la inooga baahan yahay inaynu nabada u guntano oo aynu wakhti galino oo dadka la isku soo dhaweeyo, Xaglo-toosiye qof ahaan nabada horena waxbuu uga qabtey oo waa geesi, isla markaana hadeerna wuu ka qabanayaa ayaan aaminsanahay, markaa inkasta oo ay naga fogyihiin anaga deegaanadaasi hadana colaada iyo dhibaatada ka dhacdaa dadka oo dhan way saamaynaysaa, markaa waxaan leeyahay nabada halaga wada qaybqaato. Mida kale Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye waxa uu u baahan yahay in lagala shaqeeyo nabada oo waliba dawlada uu ka midka yahay ay gacan wayn ku siiso”.

S: Xaglo-toosiye maadaama oo uu Wasiirnimadiisa ka hor uu talaabooyin horleh qaaday haday ahaan lahayd Ciidamadii dib loo soo qaaday iyo haday ahaan lahayd Maxaabiistii badnayd ee uu hadhka cad kala baxay Jeelka Madheera, miyaanu idinka Saamayn badnayn adiga (Fu’aad), Wasiir Xaabse, Guddoomiye Baashe iyo Masiiliyiinta beeshiisa ee Siyaasada kaga soo horeeyey?

J: Horta wax badan ayuu Xaglo-toosiye qabtey oo ciidankiina dib waatii looga soo qaaday anagu aanu inta badan baryeynay, isla markaana aanu Madaxwaynaha iyo cidkastaba baryeynay oo arintaas waan qirayaa oo isaga ayaa ka soo qaaday Ciidamada deegaankaas oo shuruudihii uu Madaxwaynaha la galay ayey ka mid ahayd, arintaas wuu ku mahadsanyahay oo dawladda ka yeeshayna way ku mahadsan tahay. Mida kale 73 Maxbuus oo xidhnaa isagaa ku guulaystay in xoriyadoodii loo soo celiyo oo isagaa kaxaystey, waa run oo wuu nagaga dheereeyey labadaba, nabadana Ilaahay baa haya oo raganimadiisa iyo dadaalka uu nabada u galayna waanu ku faanaynaa oo waanu u ducaynaynaa Saleebaan Xaglo-toosiye, kamana xumin dadaalka uu galay.

S: Maadaama oo aad in badan ka hadashay Saami-qaybsiga beelaha Somaliland, isla markaana beesha aad ka soo jeedo Wasiir cusub u soo kordhay, ma is leedahay Saamigii beesha Dhulbahante Miisaan wayn ayaa ku soo kordhay?

J: Saami Dhulbahante u soo kordhay iska daayoo wax intii hore ka wayn ayaa ka maqan, dawladnimadu waa Afar Rukun oo waawayn oo dalka laga xukumaa, Madaxwaynaha, Guurtida, Wakiiladda iyo Maxkamadda sare, miyaad midna ku haysaa Dhulbahante oo Todobada Wasiir ee ugu wayn miyaad midna ku haysaa Dhulbahante oo wax alaala waxa hay’ad Madaxbanaan dalka ka jirta ama Baan ha noqoto ama Hantidhawr ha noqotee miyaad midna ku haysaa reer Sool iyo reer Buuhoodle?. Markaanu Saamiga Dhulbahante ka doodno waxa nala yidhaahdaa waad mudan tihiin oo ilaa wakhtigii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa hadalkaas la ila hortaagnaa. Markaa waxa aan Marxuum Cigaal (AHN) iyo ragii ka danbeeyeyba aan waydiiyey waar ma in anaga nala baadi-doonaa mise waa in Somaliland siday ku hagaagayso la baadi doono? Anigu waxaan aaminsahay Dhulbahante waxay dani ugu jirtaa Somaliland inay ka mid noqdaan, Somaliland-na waxay dani ugu jirtaa in dadkeedu ay midoobaan oo waxyaabaha aan ka fikiro waxa ka mid ah waar tolow hadii aad rabtaan inaad goosataan oo aad dal xor ah noqotaan Ma Isaaq-baa kalidii goosanaya, mise waa la wada goosanayaa si Koonfur la iskaga celiyo. Imika hadii Koonfur lala hadlayo oo la inagu khasbaba inaynu Federaal noqono ma inaka oo dhan ayey ku fiican tahay oo wada socono Waqooyi oo dhami oo Koonfur iska celina, mise cid gaar ah ayaa wada-hadalada galaysa oo dadka kale looma baahna? Waxyaabaha aan la yaabo waxa ka mid ah, 22 sano oo dhawdhaw ayeynu gooni isku taag sheeganaynay, walina dawladeena iyo Warbaahinteena iyo dadkeenuba wali caruurnimo ayaa inagu jirta, waxyabaha aad la yaabayso waxa mid ah nin la yidhaahdo Yuusuf Garaad oo aanan anigu aqoon u lahayn ayaa Hargeysa yimid, Alle ha u naxariistee saaxiibkii oo dhintey oo ahaa Abwaan Gaariye oo cid wal oo Soomaali ahi u barooratey ayuu aaskiisa yimid, waxaan Jaraa’idadeena ku arkay waxa iska taxtaxaashaya Magaalada Hargeysa nin Madaxwayne isku sharaxay, oo Xabaalo ayaa maalin walba la soo qodayaa. Waar adeerow ma cid aan la dilin ayaa jirta, Baroortan Isaaq ee maalin walba joogta ee Xabaalaha la soo qodayo, Shan daqiiqo dabadeedna la odhanayo Mujaahid miidhan ayaanu nahay oo Libaax miidhan ayaanu nahay, waxa isku kay qabanwayday faanka Isaaq iyo ba’nay oo waa nala dilay oo waa nala baabiiyey. Waxa aad dadkeena iyo dawladeenaba moodaa inaanay si dhab ah u hadlaynin.

S: Sidaad u aragtaa Go’aankii ka soo baxay shirkii golaha Wasiirada ee xukuumadu ku faantey inay 70% halkeebaad adigu ka taagan tahay qiimayntaa dawladu ku sheegatey inay balanqaadkoodii 30% uga hadhsan tahay?

J: Arimahaas ma jecli inaan ka hadlo, laakiin degmadan aan hada joogo ee Xudun oo dalka ka mid ah ayuun baan ka hadli karaa, midna ku darsoo waxan Hargeysa, Berbera iyo Burco laga qabanayey Telefishanada waan ka arkayey. Mida kale deegaankan aan joogo Iskuulkii Secondary-ga dayrkiisii Ingiriiskii dhisay oo dunsan cid ii samaysa ma hayo, markaa anigu horumar aan ka markhaati furi karaa ma jiro.

 

Saylicipress.net/Muqdisho.

Source:Haatuf;

Sarakiil Ka Tirsan Ciidamada NATO Oo Soo Gaaray Magalada Kismayo Ee Xarunta Gobolka J/Hoose

Muqdisho(SPN) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay gaareen saraakiil iyo ciidamo ka mid ah NATO iyagoo ka soo degay sida la sheegay dhanka dekadda magaalada Kismaayo, halkaasoo la sheegay inay kulamo kala duwan kula yeesheen saraakiil ka tirsan ciidamada huwanta ee dhawaan qabsaday magaaladaasi.

Warar hoose oo aynu helayno ayaa waxay sheegayaan in kulankaan hadda dekada Kismaayo ay ku yeelanaayaan saraakiisha NATO, Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya uu ku saabsan yahay sidii loo xoojin lahaa dagaalada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha NATO  waxay  sheegayaan  in ciidamada huwanta looga baahan yahay inay si fiican u sugaan ammaanka magaalada Kismaayo, iyagoo ka codsaday inay u soo gacan geliyaan dadka looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab ee ay gacanta ku dhigaan.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa ku saabsan amaanka magaaladaasi iyo baahiyaha ciidamada huwantu ay uga baahan yihiin saraakiisha NATO iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiil ka qeyb gashay kulankaasi, sidoo kalena waxay ka dalbadeen in magaalada loo sameeyo maamul ka yimaada dadka deegaanka, isla markaasna aysan dhicin in maamul qole gooni ah ay wadato aan dadka lagu sanduleynin sida ay yiraahdeen.

“Saraakiil ka tirsan ciidanka NATO oo Kismaayo noogu yimid ayaan kulamo la yeelanay waxyaabihii aan ka wadahalnay runtii waan isku afgaranay, wax kasta waxay ku dhamaadeen sidii loogu talogalay, kulan kale ayaa noo harsan oo markale ayey magaalada imaan-doonaan, saraakiisha NATO waxay ka yimaadeen dhanka badda, maraakiib dagaal oo ku sugan xeebaha Kismaayo ayey ka soo degeen” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Raaskabooni oo ka qeybgalay kulamadaasi.

 

Saylicipress.net/Muqdisho.

Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Wajiga Hore Ee Talaalka Cuduradda Dilaaga Ah

Hergeisa(SPN) Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shalay Hotelka Summer Time ku qabatay kulan Wacyigelinta Talaalka Carruurta ah oo ay ka soo qayb galeen Culimo, Fanaaniin iyo Hay’addaha Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka la shaqeeya.

Kulankan oo ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa talaalka Carruurta isla markaana looga hor tagi lahaa cidii Diida ayaa waxa wacdi Diiniya oo ku saabsan Faa’iidada Caafimaadka Carruurta iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa Talaalka ka soo jeediyay Sh Yuusuf Cabdi Xoorre oo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, isagoo ku booriyay Waalidiinta inay fursadan uga faa’iideeyaan Carruurta yar yar oo uu sheegay masuuliyadda Koowaad inay waalidka ka saaran tahay sidii ay Daryeelkoodda u gudan lahaayeen.

Ruun Xaddi Saban oo ka mid ah fanaaniinta Reer Somaliland ayaa iyana kulankaas ka jeedisay qudbad taabanaysa dhinacyo badan, waxaanay ka warantay Caafimaadka qabka Carruurtu inuu yahay Mustaqbalka berry, isla markaana waxa ay ku dheeraatay faa’iiddada Talaalku u leeyahay carruurta oo ay qaab suugaamaysan ku soo bandhigtay.

Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex Dr: Sayid Ismaaciil Xasan iyo Agaasimaha qaybta Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Cali Sheekh ayaa iyana ka waramay Ololahan Talaalka Carruurta waxaanay sheegeen Ololahan in lagaga talaalayo Carruurta Lixda Cudur ee Dilaaga ah ee kala ah , qalajiyaha, xiiq dheerta, gawracatada, dabaysha iyo taf-yaraha.

Isu-duwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex Dr: Sayid waxa uu sheegay sanadkii 2009-kii tirade carruurta Gobolka Maroodi-jeex ee la Talaalay inay ahayd Sideed boqol iyo Sideetan kun, sidseed boqol iyo toddoba iyo Afartan Carruur ah. Sanadkan 2012-kana ku talagalakoodu yahay in la Talaalo Boqol iyo Lix iyo Toddobaatan kun,Boqol iyo sagaal iyo Lixdan Carruur ah, isagoo xusay inay hargeysa Gudaheeda ka  hawl galeen wajiga Koowaad ee Talaalkan 175 kooxood iyo 35 Hor-jooge, halka Miyiga Hareysana ay ka galeen 40 kooxood iyo sadex iyo Toban Hor-jooge.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay bar bar socdaan Ololahan Vitamin A, Nafaqayn, Biyo Sifeeye iyo Talaalka Dumarka Wakhtiga Dhalmadda ee 15-45 sano oo laga talaali doono Teetanadda.

Saraakiil ka kala socotay Hay’addaha UNICEF iyo WHO ayaa iyana kulankaasi ka soo jeediyay faa’iidada uu Talaalku leeyahay, waxaanay uga digeen Waalidiintu inay dhayalsadaan Caafimaad qabka Carruurtooda iyagoo sheegay haddii Carruurta Talaalka la siin waayo cidda ugu horaysa ee uu Cudurkaasi dhibayaa inay tahay Waalidka uu Ilmihiisa haleelo, isla markaana uu Bulshadda saamayn doono.

 

Saylicipress.net/Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Mar Kale Ka Doodaya Maanta Miisaaniyadda Dowladda Ay Ku Shaqeynayso Saddexda Bilood

 

Muqdsiho(SPN) Mudanayaasha baarlaamanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka doodaya miisaaniyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota, taasoo ka doodisteeda dib loo dhigay toddobaadkii hore.

Xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ayaa u sheegay saxaafadda in xildhibaannadu ay dhageysan doonaan maanta warbixin ay soo diyaariyeen guddi loo saaray inay kasoo baaraan-dagaan miisaaniyadda, iyadoo markaas kaddibna ay xildhibaannadu aragtiyadooda ka dhiiban doonaan sida ay u arkaan miinaasiyadda.

Miisaaniyaddan oo gaaraysa in ka badan 37 milyan oo doolarka Mareykanka ah ayaa waxaa la sheegay in dowladdu ay ku shaqeynayso saddexda bilood ee sannadkan ka harsan, kuwaasoo ay ku jirto bishan dhamaadka ah ee Oktoobar, iyadoo ay qayb ka tahay miinaasiyaddan kharashaadka ku baxaya xafiisyada madaxda dowladda ugu sarreysa.

“Waxaa la qorsheynayaa in isla maanta codka loo qaado miinaasiyadda, kaddib markii la dhageysto warbixinta guddiga shanta xubnood ka kooban ee horay loogu saaray kasoo shaqeynta arritan,” ayay xildhibaanno dhowr ah u sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ansixiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyadoo ajandahan uu noqonayo kii ugu horreeyay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ka doodo codna u qaado, marka laga reebo ansixintii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Mar hore ayey barlamanku sidan oo kale isugu yimadeen iyagoo rabay inay ansaxiyaan miisanayada dowladu ku shaqayn rabto inkastoo kulanadii hore waxba ka soo baxi wayey hadana maanta ayey mar kale isugu yimadeen kalfadhi miisanayada lagu lafagurayo.

 

Saylicipress.net/Muqdisho.