Ururka Haweenka Soomaliyeed Oo Maanta Muqdisho Ku Doortay Hogaan Cusub +Sawirro

Muqdisho(SPN) haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta kulan balaadhan ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.

Hadallo laga jeediyay kulanka ayaa lagu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay go’aansadeen inay dib u habeyn ku sameeyaan ururkan, kaddib guddoomiyihii hore ee ururka ay go’aansatay inay xilkaas iska casisho, kaddib dhaawac kasoo gaaray qaraxii bishii Abriil ee sannadkan ka dhacay golaha murtida  iyo madadaallada Muqdisho.

“Walaasheen Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaan u doorannay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, kaddib markii ay dhaawac awgiis xilka isaga dhiibtay guddoomiyihii hore ee ururka,” ayay tiri Canab Xasan Cilmi oo ah ku xigeenka guddoomiyaha iyo sii haya xilka guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Canab waxay sheegtay in shirkan maanta la qabtay uu yahay mid horay looga soo tashaday, sidoo kalena ay ku doonayaan inay dib boorka uga jafaan ururka oo la dhisay markii ugu horreysay sannadkii 1977-kii.

Khadiijo Cosoble Cali oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay aad u soo dhaweynayaan in Batuulo loo doorto guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ururkaan uu yahay mid la shaqeyn doona guud ahaan ururrada haweenka ee dalka ka jira.

“Ururkan wuxuu ka shaqeynayaa danaha haweenka Soomaaliyeed oo dhan, wuxuu si dhow ula shaqeynayaa ururrada haweenka ee aan dowliga ahayn,” ayay tiri Khaliijo Cosoble oo intaas k dartay in ururkan uusan ahayn mid dad gaar ah u xiran ee ay qayb ka yihiin haween-weynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Marow Khadiijo waxay sheegtay in sharciyada ururka gadaal laga dajin doono, balse hadda la isku raacay in guddoomiyaha ururka uu laba jeer isi sharraxi karo, iyadoo aan la sheegin xilliyada uu xilka hayn karo.

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa fanaannada caanka ee Soomaaliyeed, Seynab Xaaji Cali (Baxsan) iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in haween-weynaha Soomaaliyeed ay yeeshaan urur danahooda ka shaqeeya iyadoo dalbatay in howshan aan laga caajisin, haweenkana la gaarsiiiyo illaa heerka ugu sarreeya dalka.

Haween kale ee kulanka ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Faadumo Isaaq Biixi iyo Dahabo Sheekh Maxamuud oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay guddoomiyaha ururka iyo xubnaha kale ee la shaqeyn doona inay si wadajir ah ugu istaagaan daryeelka haweenka Soomaaliyeed oo dhibaatada ugu xooggan ay ku dhacday intii ay dagaallada sokeeye socdeen.

Kulanka ayaa waxaa soo xirtay guddoomiyaha la doortay, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyadoo sheegtay inay codsanayso in mas’uuliyadda xoogga badan ee dusha laga saaray lala qaado, waxayna ballan ku qaaday inay har iyo habeen u istaagi doonto wax u qabashada haweenka Soomaaliyeed mee walba oo ay joogaan.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso ka tarjumaya qiimaha ay hooyadu leedahay, iyadoo inta badan haweenkii kulankaas ka qaybgalay ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayeen guddoomiyaha la doortay Batuulo Gaballe.

 

Saylicipress.net/Muqdisho.

 

Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii Laba Isku Lammaanaa “Boobe Yuusuf Ducaale” Qormadiisii 16aad

Hergeisa(SPN) Waxa laga yaabaa in aydaan sidiisa u garan xigashadii aanu shalay ka soo qaadannay Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, ee bal hadda aan faah-faahin kooban ku samaynno. Hadda intaasi af-lagaaddaba ha igu ahaato e’. Nin Mujaahid ah oo tilifoon ii soo diray ayaa I xusuusiyay in aan dib ugu yara noqdo.

Damal Shahiid Koosaar xigashadiisii shalay waxay daarranaeyd marka aynu xaaladda maanta taagan ku eegno in aanu qofna hadba sida uu damco yeeli karin. Aan hoos u sii daaddego. Qof reer Somaliland ihi xukuumad markaa taagan inta uu ka soo hor jeesto, xukuumad waqti kale taagan oo labaduba Somaliland yihiin; ma odhan karo mid waan taagersanahay oo dimuqraadiyadda ayaa ii oggol, midna waan ka soo hor jeedaa oo isla dimuqraadiyaddii ayaa ii oggol. Qof Somaliland aamminsani ama ahi mucaarad kuma noqon karo Somaliland. Marka xaaladda maanta taagan lagu eego, waa sidaa, sida uu u jeedaa Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi.

Si fiican oo xogogaalnimo ah ayaan ula socday waxyaabaha wasaaradda ka socday iyo waxyaabaha waxyeellada ku ahaa hawlaha Qarankaba. Tan iyo maalintaa Heshiiska lala galay Shirkadda ‘Satelite-ka’ ee ‘Hotbird’ xafiiska Wasiirka Madaxtooyada iyo Bashe Cawilba waxa kale oo ay ku hawlanaayeen sidii loo beddeli lahaa Heshiiska ‘Thaicom’ oo London ayaa laga raadinayay meel looga guuro. Dhinaca London waxa hawshan kaga jiray Agaasimaha TV-ga Qaranka oo xidhiidh joogta ah la lahaa Madaxtooyada iyo Wasaaradda Warfaafintaba. Hadda in Xukuumadda kharashyada laga yareeyaa wax ceeb ah ma laha, aniguna waxba kama qabin, bal se qaabka wax loo beddelayaa mid muuqda ama xalliiban (transparent) waa in uu noqdaa oo la wada arkayo.

Maa daama aan Wasaaradda imid iyada oo ay xaalad caynkan ahi taagan tahay, aniguna dhinaca ayaan kaga qabtay. Haa……Wasiir Xirsi waan kala hadli jiray arrimahan la xidhiidhay sidii ‘Satelite’-ka ‘Thaicom’ looga guuri lahaa, bal se Baashe Cawil kalama aan hadli jirin kol haddii aanu jirin xil qaran oo aanu wadaagnay oo na kulminayay.

Maalmahaa maalin ka mid ah ayaa e-mailka dhinaca London Agaasimaha TV-gu iiga soo geliyay Heshiis la rabay in aan wasiir ahaan soo saxeexo oo la ii sheegay in Shirkad la yidhaahdo ‘RR Sat’ lala gelayo. Heshiiskii waan saxeexay, waxaanan ku celiyay Agaasimihii TV-ga Qaranka ee London aniga oo ogeysiiyay Wasiirka Madaxtooyadana.

Maalmo ka dib ayaa yaabkii iigu weynaa igu dhacayaa. Waxay ahayd in Heshiiskaas qabyada ahaa la ii soo celiyo iyada oo uu dhinacii kalena soo saxeexay. Waxba la ii ma soo celin. Dhowr maalmood ka dib ayaan si balaf ah ku maqlay Heshiiskii wuu hirgalay oo Baanka Dhexe ayaa lacagtii diraya. Anigu mar walba waxaan la taagnaa Heshiiska ‘Thaicom’ waxa laga baxayaa ama la jebinayaa oo keliya, marka ‘Satelite’ kale oo beddeli kara la helo. Maalin danbe ayaan Baankii Dhexe tegay. La-ye lacagtii Heshiiska ayaa la dirayaa oo hadhow Wasaaradda Warfaafintu bixin doontaa. Anna yaabay oo idhi: “Yaa amarkaa bixiyay.” Qoraal iyo af midna la ii sheegi waa, aniguna madaxdii Baanka waxaan u sheegay oo aan kaga tegay in aanay Wasaaradda Warfaafinta ee aan mas’uulka ka ahay Heshiiskan aqoonsanayn ilaa uu sharci noqdo oo uu dhinaca kalena soo saxeexo. Waxyaabahan sida caadiga ah aad ugu sheekaysataan ayuun baan idiin qorayaaye wax kale ha u qaadanina. Ma is-tidhaahdeen odeygu wuxu yar muujiyay dhego-adayg iyo debecsanaan la’aan aan loo baahnayn. Bal adba!

Been ku hadli maayo e’, aniga oo Juba iyo Koonfurta Soodaan jooga ayaan ka fekerayay in TV-ga laga hoos-saari doono Wasaaradda, ka dibna xaalku gawaan cidla’ ah noqon doono. Bal hadda sheekadan u fiirsada. Agaasimaha TV-ga Qaranka ee maanta xilkaa hayaa beri hore ayuu ka yimid dalka Ingiriiska. Waa waqtigii Hargeysa laga furayay Hargeisa International Book fair-ka (HIBF). Guriga shaqaalaha ayaan ku arkay ama kula kulmay maalmihii loo diyaargaroobayay oo ahayd bishii Juulay. Isaga oo laba bilood joogay Hargeysa gudaheeda ayaanan maalin keliya arkin ama aanu xafiiska iigu iman aniga oo Wasiir u ahaa, xaqiiqaduna waxay tahay in aan ugu magacawnaa bal se cid kale mas’uul ka ahayd una ahayd. Hadalka waxba intaa u dhaafi maayo.

Wuxu ninkaasi ka dhexeeyay Xafiiska Agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka iyo Madaxtooyada gaar ahaan ninka Baashe la yidhaado. Shaki igagama jirin in uu jiray qorshe la fulinayay. Dhacdooyin taxan ayaa ii muuqday: beddelaaddii Agaasimaha Guud, Hanti-dhowrkii, Xadhiggii Agaasimihii Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga iyo saansaan badan oo kale. Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka waa ay ku adkaatay in ay cid kale ku beddelaan, waayo cid kasta oo iman lahaydba waxay ahayd mas’uuliyad aan wasiir ahaan u lahaa oo aan la ii dhaafi karayn. Maxaa loo danaynayay TV-ga? TV-ga wax kale oo loo danaynayay ma jirto mana jiri karin oo aan ahayn dhaqaale. Halkii uu TV-ga Qaranku ka gargaari lahaa hay’ado warfaafineed, ayaa laga door-biday in ay qofaf ku danaystaan sida aan is-idhi. Hadda waa malahayga, in ay dhacdana la arkee. Xidhiidhadii e-maillada waxyaabo badan oo aan ka soo xigan karo ayaa jira oo aanan u hollanayn bal se ka sarriiganayo.

Bal hadda u fiirsada tiro-koobyada aanu hore idiin siinnay. Qaaradda Maraykanka saddex qof ayaa TV-ga Qaranka uga hawl-gala, magaalada Londonna 14 qof. Ma caqli baa? Oo miyaad ka siisanaysaan?

Radio Hargeysa haddii aad u baahato Jadwalka uu hawada ku galo, toddobaadkiiba mar ayaa la sameeyaa oo aad garanaysaa saacad kasta iyo maalin kastaba waxaad dhegaysan doonto. Halka TV-ga Qaranku aanu lahayn jadwal caynkaas ah, xataa mid maalinle ah. Shaqaalaha dibaddu waa 34 iyo 85 shaqaale ah oo gudaha Hargeysa iyo gobollada ka hawl-gala. Mushkiladduna ma aha shaqaalaha, bal se waa hoggaaminta oo tan iyo maalintii TV-ga la taagay aan wax hawl ah qaban, saacado ku soo hamaansaday oo ay si habaqle ah u buuxiyaan mooyaan e’. TV-ga Qaranka ma cid baa ka dareentay barnaamajyo naf leh oo shaqaalaha London ka hawl-galaa soo diraan. Halkaa qudheeda mushkiladdu ma aha shaqaalaha bal se waa hagidda iyo agaasinka. Waxa noo qorshaysnayd in shaqaalahaa la dhimo, hawl-gelintoodana la hagaajiyo. Far ayuun baan idiin daray, ee qabyada meesha taallay waa ay badan tahay.

Wargeyska Dawan waxa ka hawl-gala in ka badan 45 qof. Wargeysku ra’yal-caamka wax kama beddelo, dhaqaale ma soo hooyo. Bal hadda idinku sheega sababta ay u jirto. Waxaad ag dhigtaan kuwa gaarka ah ee afarta qof ka hawl-galaan. Bal adba! Mar kasta mushkiladdu shaqaalaha ma ahaa waayo wax badan ayaa lagu qaban lahaa, bal se hoggaamin iyo hal-abuur la’aan ayaa jirta. Hubsiino la’aanta iyo xog-la’aanta ayaa wax walba ka daran. Shaqaalahaasi waxay habi lahaayeen TV-ga iyo Radioga haddii la jihayn lahaa oo la hawl-gelin lahaa. Qorshe hawleed istaraatejiya oo shan sannadood ah ayaanu u samaynnay oo weliba xil-wareejintii ku darnay.

27/8/2012ka:

Habeennimadii:

Madaxweynaha ayaa ii yeedhay habbeennimadii sida aan ku helay farriin tilifoon ahayd. Aniga oo yar xanuunsanaya oo hargab kala imid Addis-Ababa oo roobbanayd, ayaan sii luuday. Dooddan iyo sheekadaniba waxay ka dhacayaa guriga Madaxweynaha. Madaxweynuhu wuxu la soo fadhiistay laba warqadood oo gacan ku qornaa, muraayadahii indhahana waa uu xidhnaa. Waxaan is-leeyahay warqaddu khad cas ayay ku qornayd, qalinna waa uu haystay, sidanna waxa u dhacay kulankayagii:

(La soco………………………………….)

Booliiska Kenya Oo Mombasa Ku Dilay Xubno Ay Ku Sheegeen Inay Xiriir La Lahaayeen Xarakada Al-shabaab Ee Soomaaliya

Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.

Toogashadan ayaa timid kaddib markii booliiska Kenya ay u dhaceen saakay aroortii hore guri ay uga shakisnaayeen inay deggenaayeen kooxaha islaamiyiinta ah oo ku yaalla deegaanka Majengo oo ka tirsan magaalada dekedda leh ee Mombasa.

“Waxaan dilnay hal ruux oo laga shakisnaa, sidoo kale waxaan dilnay mid kale oo isku dayay inuu baxsado,” ayuu yiri ku xigeenka taliyaha booliiska gobolka xeebta dalka Kenya ku yaalla, John Gachomo, isagoo intaas ku daray in ciidamadu ay eryadeen kooxo kale oo goobta ka baxsaday.

Dowladda Kenya ayaa shaki weyn ka qabta in kooxaha Islaamiyiinta ah ee dalkeeda ku sugan ay taageero ka helaan Xarakada Al-shabaab, ayna horay dhowr jeer uga fuliyeen qaraxyo ay dad badan dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.

Booliisku waxay sidoo kale sheegeen inay ka heleen guriga ay weerareeen hub ay ka mid yihiin bastoolad, saddex bambooyinka gacanta ah iyo rasaas. Iyadoo hubkan la qabtay uu kusoo beegmayo xilli ay kordhayaan Islaamiyiinta iskahorimaadyada la galaya ciidanka booliiska Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacaya tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ahayd xilligii ay Kenay go’aansatay inay Al-shabaab kula dagaalanto gudaha dalka Soomaaliya, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag xiriir dhow la leh Al-shabaab oo ku sugan dalkaas.

Falalkan ammaan-darro ayaa waxay sababeen inay hoos u dhacaan dadkii dalxiis ahaanta u tegi jiray dalka Kenya, iyadoo dhowr jeer oo hore Al-shabaab ay ugu goodisay Kenya inay ka geysan doonto dalkeeda qaraxyo aargudasho ah.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay qabsadeen hal sano kaddib howgalkooda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay u arkayeen inay tahay xudunta ay Al-shabaab iska soo abaabulaan, basle weli waxaa gudaha dalkaas ka dhacaya falalkii ammaan-darro.

 

Source:Hiiranonline

Kalfadhiggii 29-aad Ee Baarlamaanka Puntland Oo Garoowe Ka Furmay Iyo Madaxweyne Faroole Oo Furay Shirka

Garowe(SPN) Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa kalfadhiggiisii 29-aad wuxuu maanta uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, iyadoo ay soo xaadireen 45 mudane.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo shir guddoominayay ayaa sheegay in kalfadhiggan lagu ansixin doono miisaaniyad sanadeedka 2013 iyo wasiirrada cusub ee dhowaan uu magacaabay madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shirka furay ayaa sheegay in isbeddel dhaqaale ah uu ka jiro deegaannada Puntland, walow uu sheegay inaan ilaa hadda guul laga gaarin shidaal baaristii laga waday gobolka Bari.

madaxweyne faroole ayaa baryahan danbe siyaasadiisu waxay u muuqataa mid aan dadka reer putland ayna ku qanacsaneen maadama saladiinta, siyaasiyiinta, iyo masuuliyiinkalenba ay ka biyo diidan yihiin siyaasad faroole uu kursiga isugu dhajinaayo.

Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in maleeshiyo badan oo ka tirsan kooxda al-Shabaab ay gaareen dhulka buuraleyda ah ee Puntland kaddib markii lagaga guuleystay dagaalladii ay ka wadeen koonfurta Soomaaliya.

 

Saylicipress.net/Garowe.

 

Magacaabistaydii iyo Maagistaydii Laba Isku Lammaanaa “Boobe Yuusuf Ducaale” Qormadiisii 15aad

Hergeisa(SPN) Aynu dib ugu noqonno raad-raaceennii taariikheed. Aynu ku noqonno magaalada Harar ama Adariba, hadba sida aad u taqaannaan. Waa Shirweynihii 5aad ee SNM oo ahaa mid aan caadi ahayn. Maxaa ka dhigay mid aan caadi ahayn? Shirweynihii 4aad ee caadiga ahaa ee SNM wuxu ku qabsoomay magaalada Jigjiga 6dii bishii Ogos 1984kii. Sidaa darteed Shirweynaha 5aad ee caadiga ahi waxay ahayd in uu qabsoomo bishii Sebetember 1986kii. Si aan dastuuri ahayn ayaa shir habaqle ah loogu qabtay magaalada Awaare. Waa bishii Juun 1986kii oo ku beegnayd beryihii Siyaad Barre shilka baabuur galay ee lagu daweynayay dalka Sucuudiga.

Dastuurka SNM wuxu qorayay in Golaha Dhexe ee SNM isaga oo ka shidaal qaadanaya soo-jeedin Guddida Fulinta ah uu dib u dhigi karo Shirweynaha Ururka muddo lix bilood ah. Golaha Dhexe wuxu ku go’aan-qaataa Kal-fadhi caadiya ama aan caadi ahayn. Golaha Dhexe marka uu go’aan-qaadanayo waa in uu fadhiyaa. Bal se maalintaa iyada ah oo aan Golihii Dhexe la fadhiisin (14 keliya ayaa goobta ku sugnaa) ayaa Xubnihii Golaha Dhexe mid waliba halkii uu joogay lagaga soo saxeexay si aan sharci ahayn, in muddo lix bilood ah Shirweynahaa 5aad dib loogu dhigo.

Haddaba Aadan Sheekh Maxamed oo loo yaqaannay Aadan-shiine isaga oo ka hadlayay Shirweynahaa mar labaadkii lagu dooranayay Guddoomiye Axmed Maxamed maxamuud, Siilaanyo, waxaanu Shahiidku yidhi:

”Ilaaa laga bilaabo shirkii Awaare hadallo iyo dacaayad baa socota. Maamulkaa wada. Reer hebel ma dagaal gelayo ayaa socota oo Maamulkaa wada. Reer hebel baa ka soo hor-jeedsanaya oo inaga soo hor-jeedsanaya Maamulkaa wada oo waad wada og tihiin. Waxaad wada og tihiin in halkan la idinku yidhi ragga duday madaxtinnimo ayay doonayaan. Waar yaanu madaxtinnimada ka doonaynaa ee aanu ugu nimid ee aanu weydiisannay? Yaanu ku nidhi madaxtinnimo ayaanu doonaynaa? Waa kuma? Waar madaxtinnimo ma doonaynno oo ma doonaynno oo wixii doonaya na ma doonaynno. Waxaanu leenahay ayaanu xaqa inaga daboolin qof aynu leenahay madaxtinnimo ayuu doonayaa oo aan doonayn, ayuu xaqa inaga luminin. “

Isla maalintaa Koosaarna isaga oo dimuqraadiyadda ka hadlayay wuxu yidhi:

“Marka aynu ka hadlaynno dimuqraadiyadda, dimuqraadiyaddu way wanaagsan tahay. Waa tan immika aynu ku wada fadhino ee aynu ku wada hadlaynno. Laakiin waxaynu maqallaa dad faro badan oo leh, dimuqraadiyadda ururku waxay ii oggoshahay mucaaridnimo ama inaan maamulka caarido. Een, taasoo kale micnaheedu waxa weeyaan inaanu qofkii ururnimadii aamminsanayne ee aamminsan yahay ama ka-aammin baxsan yahay maamulkii markaa taagnaa; oo uu maamul na odhanayo mucaarid baan ku ahoo dimuqraadiyaddii baa ii oogolaaatay mid na waan oggolahayoo ururnimadii baa ii oggolaatay. Runtu na waxa weeye ma noqon karo qof SNM ku jiraa mucaarid isagoo SNM ka tirsan. Ma noqon karo.”

Bal hadda xaaladda wasaaradda warfaafinta iyo Wacyi-gelinta u fiirsada. Wax muran iyo dood ah kama maqallo Radio Hargeysa iyo Waaxyaha kale ee Wasaraaradda. Muranku wuxu ka dhacaa waa dheef iyo dhadhan. Miyaanay halhays inoo noqon ‘Hebel meel dhadhan leh noo gee.’ Ma aha wax lala kala gabbado. Intaas oo qof ayaan ka xishoon Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee wax caynkaas ah ula badheedha.

Sheekadeennii ku soo noqo. Hadal-haynta Wasaaradda Warfaafintu waxay ka timaaddaa waa TV-ga Qaranka, waxaanay sal iyo cidhibba ku leedahay dhaqaale. Dhaqaalahaasi laba ilood ayuu ka yimaaddaa:

  1. Miisaaniyadda Xukuumaddu ay siiso TV-ga Qaranka, gaar ahaan qaybta ku beegan Laamaha Dibadda oo ay ka hawl-galaan qiyaas dhan ilaa 33 qof oo u kala qaybsama: Ingiriiska 14, USA 3 qof, Holland 1 qof, Norway 2 qof, Sweden 2 qof, France 2 qof, Djibouti 1 qof, Kenya 2 qof iyo Ethiopia 3 qof. Marka laga reebo dadka ku qoran dalalka Geeska Afrika oo midkiiba bishii loo diro 1,000$, inta kale ee Yurub iyo Mareykan joogta midkiiba bishii waxa loo diraa 1,400$.
  2. Arrinta kale waa waxan loo yaqaanno ‘Satelite’-ka oo laba u kala baxa:
  • Satelite-ka ‘Thaicom’ waxa heshiiskiisa la bilaabay bishii November 2010kii waxaana waqtigaa heshiiska u saxeexay Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Cabdillaahi Geel-jire, lacagta bil kasta lagu bixiyaana waa 37.767.56$. Heshiiskaasi ilaa maantadan aynu joogno waa uu taagan yahay waanu shaqaynayaa. Satellite-ka Yurub ee ‘Hotbird’ oo Heshiiskiisa la bilaabay bishii Ogos 2011ka, heshiiskaasna waxa saxeexay Wasiirkii iga horreeyay Axmed Cabdi Xaabsade. Waxa igu maqaale ah in Wasaaradda Madaxtooyada iyo Baashe Cawil ka mid ahaayeen dadkii ka qayb-galay suurto-gelinta heshiiskan. Heshiiskan ‘Hotbaird’-ka waxa bishii ku baxaya 24,000 oo euro una dhiganta 33,600$.
  • Intii danbe ee aan Wasaaradda imid Baashe wuxu ka mid ahaa dadkii ku hawlanaa in la jebiyo ama la buriyo Heshiiska lagula jiro Shirkadda ‘Thaicom’ oo min maalintii la I magacaabay ilaa maalintii aan xilka tirinayay la igu disayay in la beddelo. Qandaraaskaa lagula jiray ‘Thaicom’ Madaxweynaha iyo Madaxtooyaduba waxay u arkayeen in dhac iyo boob badan oo dul saar ahi ku jiray oo aanay dalka iyo dadkaba dani ugu jirin. Laakiin Wasiir ahaan waxba kama aan qaban karayn oo wuxu ahaa Heshiis uu saxeexay Wasiir iga horreeyay oo weli aanu xukuumadda ku wada jirnay, waqtigiisiina aanu dhicin. Waan se ku taageersanaa Madaxweynaha iyo ciddii kale ee danaynaysaba in la yareeyo kharashyada baxaya. Waxaan la yaabay waxay aniga nafta iskugu kay keeneen, ee ay Wasiirradii iga horreeyay ugu qabsan waayeen Heshiiskan ‘Thaicom’ lagula jiray. Bal adba! Ilaah baan ku dhaartee inta goor ee la igala hadlay in aanan tiro ku garanayn, hadda waa laga soo bilaabo maalintii xilka la ii dhiibay. Ereygii ugu horreeyay ee uu Madaxweynuhu arrintaa u adeegsaday wuxu ahaa: “Dhiig-bax ayuu Heshiiskaasi nagu yahay.” Waa maalintii ugu horreysay ee aan arkay markii la I magacaabay, marka uu Madaxweynuhu sidaa igu leeyahay. Waxaan is-weydiin jiray: “Tolow kuwii kaa horreeyay maxaa looga codsan waayay in ay arrintan dhammeeyaan oo sidaada oo kale dhiigga loogu yareyn waayay?”

(La soco…………………………)

Muumulka Saylicipress.net Iyo Howlwadeenadiisa Kalaba Waxay Leeyihiin Ciid Wanaagsan Dhamaana Umada Somaaliyeed Gaar Ahaan Akhristayasha Sharafta leh

MAAMULKA SAYLICIPRESS.NET IYO DHAMAAN HAWLWADEENADIISA KALE MEELKASTA OO AY JOOGANBA WAXAY DADWEYNAHA SOOMALIYEED EE KU XIDHAN WARQABADKAN SAYLICIPRESS.NET CIIDUL ODXADA WAGEED SOO GAARSIINAYAAN CIID MUBARAK MEEL KASTO OO AAD JOOGTAAN AKHRISTAYAAL.

Komishanka Dorashooyinka Somaliland Oo Cayimay Wakhtiga Uu Ololaha Doorashada Golaha Deeganku Bilaabmayo

Hergeisa(SPN) Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland  Maxamed  Axmed Xirsi Geelle ayaa ku Dhawaaqay Wakhtiga ay Bilaabmayso  Ololaha Doorashooyinka Golayaasha Deeganka, isaga oo sheegay in 29 Bisha October ay Guud ahaa Dalka ka bilaabmayso Ololaha Doorashada, Waxanu Tilamaamay Hananka ay u kala horeynayaan Ururadu.

Sidaasi wax uu ku sheegay shirjara’id oo uu Goor dhawayd uu ku qabtay Xarunta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee Magalada Hargeysa.

Afahayeenku wax uu sheegay  inay sida tan u kala horayn doonaan Ururada siyaasada.

1- 29 October ururka Ummada.

2- 30 October Xisbiga Ucid.

3- 31 October Xisbiga Kulmiye.

4-  1 November Ururka Dalsan.

5- 2 November Ururka Rays.

6- 3 November  Ururka Waddani.

7- 4 November Ururka Xaqsoor.

Waxanu yidhi “Waxanu Halkan kaga dhawaaqayna in In Ololihii Doorashada Golaha deeganku uu Bilaamayo 29 Bisha October oo ah Isniinta inagu soo socta, waxayna ururadu u kala horeynayaan sidii aanu ugu Qori tuurnay, Waxa u horeynaya 29 october Ururka Ummada, 30 October Xisbiga  Ucid, 31 October Xisbiga Kulmiye, 1 November  Ururka Dalsan, 2 November Rays,  3 November Waddani, 4 November Xaqsoor, Waxanu urur walba u soo jeedinaynaa in maalinta ay Ololaha Ay leeyihiin ay ilaaliyaan Nabad gelyada, waxanu ururka aan maalinta lahayn uga digay in ay Ololaha sameeyan.”ayuu yidhi.

ururada ayaa la filayaa inay dhawaan bilaamaan ololaha doorashada  golaha degaan sida war bixinta lagu sheegay taas oo u urur waliba maalintiisa uu ku soo bandhigi doona fagaaraysha cududiisa taageernimo iyo waliba musharaxiintiis ugu qayb qaadanaya doorashada golaha deegan ee la filaayo dhowaan inay ka qabsoonto gudaha maamulka somaliland.

 

Saylicipress.net/Hergeisa.