Magacaabistaydii iyo Maagistaydii Laba Isku Lammaanaa “Boobe Yuusuf Ducaale” Qormadiisii 15aad

Hergeisa(SPN) Aynu dib ugu noqonno raad-raaceennii taariikheed. Aynu ku noqonno magaalada Harar ama Adariba, hadba sida aad u taqaannaan. Waa Shirweynihii 5aad ee SNM oo ahaa mid aan caadi ahayn. Maxaa ka dhigay mid aan caadi ahayn? Shirweynihii 4aad ee caadiga ahaa ee SNM wuxu ku qabsoomay magaalada Jigjiga 6dii bishii Ogos 1984kii. Sidaa darteed Shirweynaha 5aad ee caadiga ahi waxay ahayd in uu qabsoomo bishii Sebetember 1986kii. Si aan dastuuri ahayn ayaa shir habaqle ah loogu qabtay magaalada Awaare. Waa bishii Juun 1986kii oo ku beegnayd beryihii Siyaad Barre shilka baabuur galay ee lagu daweynayay dalka Sucuudiga.

Dastuurka SNM wuxu qorayay in Golaha Dhexe ee SNM isaga oo ka shidaal qaadanaya soo-jeedin Guddida Fulinta ah uu dib u dhigi karo Shirweynaha Ururka muddo lix bilood ah. Golaha Dhexe wuxu ku go’aan-qaataa Kal-fadhi caadiya ama aan caadi ahayn. Golaha Dhexe marka uu go’aan-qaadanayo waa in uu fadhiyaa. Bal se maalintaa iyada ah oo aan Golihii Dhexe la fadhiisin (14 keliya ayaa goobta ku sugnaa) ayaa Xubnihii Golaha Dhexe mid waliba halkii uu joogay lagaga soo saxeexay si aan sharci ahayn, in muddo lix bilood ah Shirweynahaa 5aad dib loogu dhigo.

Haddaba Aadan Sheekh Maxamed oo loo yaqaannay Aadan-shiine isaga oo ka hadlayay Shirweynahaa mar labaadkii lagu dooranayay Guddoomiye Axmed Maxamed maxamuud, Siilaanyo, waxaanu Shahiidku yidhi:

”Ilaaa laga bilaabo shirkii Awaare hadallo iyo dacaayad baa socota. Maamulkaa wada. Reer hebel ma dagaal gelayo ayaa socota oo Maamulkaa wada. Reer hebel baa ka soo hor-jeedsanaya oo inaga soo hor-jeedsanaya Maamulkaa wada oo waad wada og tihiin. Waxaad wada og tihiin in halkan la idinku yidhi ragga duday madaxtinnimo ayay doonayaan. Waar yaanu madaxtinnimada ka doonaynaa ee aanu ugu nimid ee aanu weydiisannay? Yaanu ku nidhi madaxtinnimo ayaanu doonaynaa? Waa kuma? Waar madaxtinnimo ma doonaynno oo ma doonaynno oo wixii doonaya na ma doonaynno. Waxaanu leenahay ayaanu xaqa inaga daboolin qof aynu leenahay madaxtinnimo ayuu doonayaa oo aan doonayn, ayuu xaqa inaga luminin. “

Isla maalintaa Koosaarna isaga oo dimuqraadiyadda ka hadlayay wuxu yidhi:

“Marka aynu ka hadlaynno dimuqraadiyadda, dimuqraadiyaddu way wanaagsan tahay. Waa tan immika aynu ku wada fadhino ee aynu ku wada hadlaynno. Laakiin waxaynu maqallaa dad faro badan oo leh, dimuqraadiyadda ururku waxay ii oggoshahay mucaaridnimo ama inaan maamulka caarido. Een, taasoo kale micnaheedu waxa weeyaan inaanu qofkii ururnimadii aamminsanayne ee aamminsan yahay ama ka-aammin baxsan yahay maamulkii markaa taagnaa; oo uu maamul na odhanayo mucaarid baan ku ahoo dimuqraadiyaddii baa ii oogolaaatay mid na waan oggolahayoo ururnimadii baa ii oggolaatay. Runtu na waxa weeye ma noqon karo qof SNM ku jiraa mucaarid isagoo SNM ka tirsan. Ma noqon karo.”

Bal hadda xaaladda wasaaradda warfaafinta iyo Wacyi-gelinta u fiirsada. Wax muran iyo dood ah kama maqallo Radio Hargeysa iyo Waaxyaha kale ee Wasaraaradda. Muranku wuxu ka dhacaa waa dheef iyo dhadhan. Miyaanay halhays inoo noqon ‘Hebel meel dhadhan leh noo gee.’ Ma aha wax lala kala gabbado. Intaas oo qof ayaan ka xishoon Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee wax caynkaas ah ula badheedha.

Sheekadeennii ku soo noqo. Hadal-haynta Wasaaradda Warfaafintu waxay ka timaaddaa waa TV-ga Qaranka, waxaanay sal iyo cidhibba ku leedahay dhaqaale. Dhaqaalahaasi laba ilood ayuu ka yimaaddaa:

  1. Miisaaniyadda Xukuumaddu ay siiso TV-ga Qaranka, gaar ahaan qaybta ku beegan Laamaha Dibadda oo ay ka hawl-galaan qiyaas dhan ilaa 33 qof oo u kala qaybsama: Ingiriiska 14, USA 3 qof, Holland 1 qof, Norway 2 qof, Sweden 2 qof, France 2 qof, Djibouti 1 qof, Kenya 2 qof iyo Ethiopia 3 qof. Marka laga reebo dadka ku qoran dalalka Geeska Afrika oo midkiiba bishii loo diro 1,000$, inta kale ee Yurub iyo Mareykan joogta midkiiba bishii waxa loo diraa 1,400$.
  2. Arrinta kale waa waxan loo yaqaanno ‘Satelite’-ka oo laba u kala baxa:
  • Satelite-ka ‘Thaicom’ waxa heshiiskiisa la bilaabay bishii November 2010kii waxaana waqtigaa heshiiska u saxeexay Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Cabdillaahi Geel-jire, lacagta bil kasta lagu bixiyaana waa 37.767.56$. Heshiiskaasi ilaa maantadan aynu joogno waa uu taagan yahay waanu shaqaynayaa. Satellite-ka Yurub ee ‘Hotbird’ oo Heshiiskiisa la bilaabay bishii Ogos 2011ka, heshiiskaasna waxa saxeexay Wasiirkii iga horreeyay Axmed Cabdi Xaabsade. Waxa igu maqaale ah in Wasaaradda Madaxtooyada iyo Baashe Cawil ka mid ahaayeen dadkii ka qayb-galay suurto-gelinta heshiiskan. Heshiiskan ‘Hotbaird’-ka waxa bishii ku baxaya 24,000 oo euro una dhiganta 33,600$.
  • Intii danbe ee aan Wasaaradda imid Baashe wuxu ka mid ahaa dadkii ku hawlanaa in la jebiyo ama la buriyo Heshiiska lagula jiro Shirkadda ‘Thaicom’ oo min maalintii la I magacaabay ilaa maalintii aan xilka tirinayay la igu disayay in la beddelo. Qandaraaskaa lagula jiray ‘Thaicom’ Madaxweynaha iyo Madaxtooyaduba waxay u arkayeen in dhac iyo boob badan oo dul saar ahi ku jiray oo aanay dalka iyo dadkaba dani ugu jirin. Laakiin Wasiir ahaan waxba kama aan qaban karayn oo wuxu ahaa Heshiis uu saxeexay Wasiir iga horreeyay oo weli aanu xukuumadda ku wada jirnay, waqtigiisiina aanu dhicin. Waan se ku taageersanaa Madaxweynaha iyo ciddii kale ee danaynaysaba in la yareeyo kharashyada baxaya. Waxaan la yaabay waxay aniga nafta iskugu kay keeneen, ee ay Wasiirradii iga horreeyay ugu qabsan waayeen Heshiiskan ‘Thaicom’ lagula jiray. Bal adba! Ilaah baan ku dhaartee inta goor ee la igala hadlay in aanan tiro ku garanayn, hadda waa laga soo bilaabo maalintii xilka la ii dhiibay. Ereygii ugu horreeyay ee uu Madaxweynuhu arrintaa u adeegsaday wuxu ahaa: “Dhiig-bax ayuu Heshiiskaasi nagu yahay.” Waa maalintii ugu horreysay ee aan arkay markii la I magacaabay, marka uu Madaxweynuhu sidaa igu leeyahay. Waxaan is-weydiin jiray: “Tolow kuwii kaa horreeyay maxaa looga codsan waayay in ay arrintan dhammeeyaan oo sidaada oo kale dhiigga loogu yareyn waayay?”

(La soco…………………………)

Advertisements

TrackBack Identifier URI