Koofiyad Dhuubta SaylacNews: Sirdoonka?

Koofiyad dhuubta Saylacnews, waa kooxda sheegatay inay yihiin Sirdoonka SaylacNews. Waa sirdoonka ugu qosolka badan ee ina soo maray qarnigan. Waana markii ugu horreysay ee aynu maqalno saaxafad sheegata inay leedahay sirdoon u qaabilsan heer qaran iyo qaaradeedba. Waa sirdoon yaab badan oo xitaa guriga madaxtooyada iyo waxa ka dhex socda ka soo warrama. Waa sida koofiyad dhuubtii amxaarada u basaasi jirtay ee dadka sigaarka ka ganacsanaya u soo sheegi jirtay, iyo guryaha dadkaasi degan yihiin, iyo inta sigaar iyo lacag guri kastaba taalla.

Koofiyad dhuubta SaylacNews oo la tuhmayo inay jogaan Dalka guidhiisa, ahna dad qarsoon oo khatar ah,aadna u culus, qaalina ah,  oo magacooda an la sheegi Karin, wajigooda an la arki Karin, oo laga yaabo inay ku jiraan dad haya maamulo sare sida guddoomiyayaal, agaasimayaal, iwm. Waxa ka masuul ah oo wararka ay u soo tabiyaan, koox iyagu an qarin magacooda oo sheegata inay yihiin weriyayaal iska caadi ah. Kuwaasina waxay kala yihiin: 

  • Maxamad Xaaji – London-UK
  • Ismahaan Nuur – Kuweyt
  • Daahir Axmed Jirde – Borama
  • Isku duba ridahooduna waa Maxamuud Cabdilaahi Rooble, maamulaha Saylac.com- USA

Hadaba Koofiyad dhuubtani beryahan ugu danbeeyay waxay bilaabeen hawl gal culus oo sirdoon ah, waxayna ku mashquulsanaayeen sidii ay u daah furi lahaayeen  sirahaas aadka u cul-culus . Sirahaasina waxa ka mid ahaa: 

  • Inay daba galeen isla mar ahaantaana soo ogaadeen  inta cabasho ee gobol waliba soo gaadhsiiyo guriga madaxweynaha, iyagoo sheegay in gobolka Awdal yahay midka ugu cabashada yar soo gaadhsiiya madaxweynaha. !!! 
  • Inay soo ogaadeen inay  degaano badan oo ka tirsan Awdal, sida Dila, Ceel-bardaale, Daca-waley, Ruqi, iwm lagu daray Gabiley oo madaxweynuhu u saxeexay Afartan oday oo reer Gabiley ah oo dhawaan la kulmay.  Waliba Dahabna loogu dari doono Gabiley.!!! 
  • Iyo middan ugu yaabka iyo amakaaga badan ee ugu danbaysay oo ah,inay inoogu soo sheegi doonaan xaqiiq iyo xarradh (Facts and Figures), iyo maqal iyo muuqaalba  in Eng Cabdiraxmaan Saylici lagu soo sharxay lacagtii qaadhaanka ahayd ee loogu yaboohay dadkii masiibadu ku habsatay.!!!!. 

Alliyo Nabiyo Rasuul, heey, war ileeyn sirdoonka addunkuna wuu is dhaamaaye, Koofiyad dhuubi ma dhammaato. Koofiyad dhuubtani waxan ka codsanaynaa inay nagala daahin sirtan ugu danbeysa ee ugu culus oo deg-deg noogu soo sheegaan. Waxanan ku adkaynaynaa inay warbixintooda danbana soo raaciyaan laba arrimood:

  1. Inta  iyaga kharash kaga baxday inay dadka basaasaan ee hawl galkaa ballaadhan ku fuliyaan, iyo  

  2. Inta ay laftarkoodu, lacag  ku darsadeen qaadhaankii loo ururinayay dadka caydhoobay?.

Inta ka horreysana waxan kaga tegaynaa inaan u sheegno, horey in loo arkay, sixiroolayaal iyaga sixirkoodii dib ugu rogmaday.  Iyo dad qoday booraamo hadimo, hadana iyagii ku dhacay booramihii ay qodeen  oo  ku dalaq  yidhi.  Haddaad talo u baahantihiina, WARAN SOO ROGMADA LAYSKUMA RIDO.

Wa-Billaahi Tawfiiq.

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

HiilDanExpress

hiildan@yahoo.com

About these ads

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.